Erdogan iyo Trump oo kulamaya

Image

Madaxda dalalka Turkiga iyo Maraykanka ayaa lagu wada inay maanta ku kulmaan Aqalka Cad sida ay sheegayaan wararka kasoo baxay xarunta looga taliyo USA.

Labada Madaxweyne Donald Trump iyo  Rajeb Tayyib Erdogan, ayaa la filayaa inay kawada hadlaan arrimo ay ku jirto xasarada ka dhalatay howlgalka Maraykanku hogaaminayo ee lagula dagaallamayo kooxda Daacish.

Xiisadda ayaa ka dhalatay go'aanka Mareykanka uu ku hubeynayo malayshiyaadka kooxda Kurdiyiinta ee YPG oo dagaal kula jira kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

Turkiga ayaa YPG u arka urur Argagixiso ah oo kasoo farcantay kooxda PKK oo dagaal kula jirta xukuumadda Ankara.

Tallaabadaas ayaa keentay in dhawaan Turkigu shaaciyo inuu yarayn doono dhaq-dhaqaaqa Saldhiga uu Maraykanku ku leeyahay dalkaas.

Turkiga ayaa muhiim u ah howlgalka xukuumadda Washington ee dalka Suuriya.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay aad uga munaaqishoodaan arrimahan is-diidan.

Erdogan ayaa dadaal ugu jira in Maraykanku ka laabto go’aanka uu ku hubaynayo kooxdaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM