Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Image

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, “caqabadda ugu weyn ee hortaagan nabadda gobolka bariga dhexe”, isagoo sheegay in weerarrada Israa’iil ay ku qaaday Iran xilli ay socdeen diyaargarowga wadahadallada nukliyeerka ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Iran, ay ahaayeen kuwo si ula kac ah u carqaladeynaya dadaallada diblomaasiyadeed.

Isagoo la hadlayay wakiillo ka socday Jaamacadda Carabta shir ay Golaha Iskaashiga Islaamka (OIC) ku yeesheen Istanbul, Erdogan wuxuu ugu baaqay dalalka saameynta ku leh Israa’iil inaysan dhag u dhigin waxa uu ku tilmaamay “sun Israa’iil” isla markaana loo baahan yahay in xal loo helo dagaalka iyada oo loo marayo wadahadal, si looga fogaado dagaal baahsan.

Erdogan wuxuu yiri: “Weerarrada Israa’iil ku qaaday Iran waxay caddeyn u yihiin in Netanyahu iyo xukuumaddiisu aysan dooneynin in wax dhibaato ah lagu xalliyo si diblomaasiyad ah.”

“Rabitaanka Yahuuda ee Netanyahu ma laha ujeeddo kale oo aan ahayn in gobolka iyo dunidaba lagu rido musiibo weyn,” ayuu raaciyay.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedka inay si aan shuruud lahayn u taageerayaan Israa’iil, isagoo carabka ku dhuftay in Turkigu uusan aqbali doonin in xuduudaha Bariga Dhexe lagu sawiro “dhiig”.

“Itu waa muhiim in aan muujinno midnimo dheeri ah si loo joojiyo falalka budhcadnimo ee Israa’iil – ma ahan oo keliya Falastiin, balse sidoo kale Suuriya, Lubnaan iyo Iran,” ayuu ka sheegay shirka OIC.

Shirkaas oo ay isugu yimaadeen 57 wadan oo xubno ka ah Golaha Iskaashiga Islaamka, ayaa OIC waxa uu sheegay inuu u taagan yahay ilaalinta danaha dunida Muslimka si loo horumariyo nabadda iyo wada noolaanshaha caalamka.

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado “musiibo buuxda” iyada oo weerarro ku beegsaneysa Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM