Erdogan: Xamaas Waa Koox Iska Caabin Ah, Maaha Urur Argagixiso

Image

ANKARA — Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa wareysi uu siiyay Fox News Isniintii ku sheegay in Turkigu uusan u arkin kooxda Hamas inay tahay urur argagixiso, balse uu u arko "koox iska caabin ah" oo u dagaallameysa xuquuqda shacabka Falastiin.

Hadalka Erdogan ayaa imaanaya iyadoo uu horay uga hadlay shir Qaramada Midoobay ay ku qabatay arrimaha Falastiin, halkaas oo uu si kulul ugu eedeeyay dowladda Israel inay geysaneyso xasuuq iyo inay doonayso in la burburiyo rajada dhismaha dowlad madax bannaan oo Falastiini ah.

“Ujeeddada dowladda Netanyahu waa in la hor istaago dhismaha dowlad Falastiini ah, lana masaafuriyo Falastiiniyiinta si qasab ah,” ayuu yiri Erdogan.

Isagoo sii hadlaya ayuu ku daray: “Dowladda Netanyahu maanta waxay xasuuq ku haysaa dariskeeda ay kumannaan sano la wadaageysay dhul iyo biyo.”

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa sii kordhinaya xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Turkiga iyo Israel, iyadoo Turkigu uu horey u muujiyay taageero siyaasadeed iyo mid bani’aadamnimo oo joogto ah oo uu la garab taagan yahay shacabka reer Falastiin.

Bayaanada noocan oo kale ah ayaa ah kuwo caalamka ka dhex abuura dood xooggan, gaar ahaan marka ay kasoo baxaan hoggaamiyaasha waaweyn ee gobolka, iyada oo beesha caalamka intooda badan u aqoonsan tahay Hamas inay tahay urur argagixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM