Ergayga Maraykanka oo gaaray Moscow xili Trump cunaqabateyn saarayo Ruushka

Image

MOSCOW, Agoosto 6, 2025 – Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka, Steve Witkoff, ayaa gaaray magaalada Moscow, halkaas oo uu si rasmi ah ugu soo dhoweeyay wakiilka maalgashiga dowladda Ruushka, Kirill Dmitriev, sida uu ilo xog-ogaal ah u sheegay Reuters Arbacadii.

Soo-booqashada Witkoff ayaa timid ayada oo Madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay in Maraykanku cunaqabateyn cusub kusoo rogi doono Ruushka haddii uusan ogolaan xabbad-joojin ku aaddan dagaalka Ukraine kahor maalinta Jimcaha.

Trump ayaa horey u sheegay in ergaygiisa gaarka ah laga yaabo inuu toddobaadkan u safro Moscow, isagoo qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin cidda uu Witkoff la kulmi doono, ilo ku sugan Washington ayaa Talaadadii u sheegay Reuters in ergayga uu la kulmi doono madax sare oo ka tirsan hoggaanka Ruushka. Kremlin-ka ayaa sidoo kale sheegay in suurtagal ay tahay in Madaxweyne Vladimir Putin uu la kulmo Witkoff inta uu joogo Moscow.

Trump ayaa caddeeyay in haddii Ruushka uusan ogolaanin xabbad-joojin kahor Jimcaha, Mareykanku uu qaadi doono tallaabooyin adag, oo ay kamid yihiin cunaqabateyn cusub iyo canshuuro culus oo lagu soo rogo dalalka iibsada shidaalka Ruushka — oo ay ugu waaweyn yihiin Hindiya iyo Shiinaha.

Si kastaba ha ahaatee, saddex ilo wareed oo ku dhow Kremlin-ka ayaa u sheegay Reuters in Madaxweyne Putin aanu u arkin hanjabaadda Mareykanka mid wax ka beddeli karta qorshihiisa dagaal, maadaama uu rumeysan yahay in Ruushku uu wali ku guuleysanayo dagaalka, ayna hadafyadiisa milatari ka horeeyaan danaha xiriirka Mareykanka.

Socdaalka Witkoff ayaa loo arkaa mid xasaasi ah, waxaana laga sugayaa in uu wax ka beddelo xaalada cakiran ee colaadda Ukraine iyo xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Moscow iyo Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM