​Ethiopia oo baaraysa dhacdadii Hawadaay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia- Dowladda Ethiopia oo markii ugu horaysay ka hadashay dhibka ka dhex qarxay Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia kaasoo lagu laayay dad shacab ah oo kor u dhaafaya Sodomeeye ruux.

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in baarayaal xuquuqda aadanaha ah ay dirtay si ay qiimayn ugu soo sameeyaan gabood falada la sheegay in ay dhaceen xuduudka ay wadaagaan labada Ismaamul.

Dhacdadan oo kalifay barakac iyo dhibaato xooggan ayaa dowladdu ka aamustay iyadoo aysan bixin faah faahin dheeraad ah.

Wararka ayaa sheegaya in dhibaatada ka dhex qaraxday ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo Qomiyadda Oromada uu salka ku hayo arrimo deegaan.

Muddooyinkii dambe Oromada ayaa waday olole ay ku raadsanayaan deegaamo ay sheegeen inay ka maqanyihiin, waxaana taasi keentay inuu gacan ka hadal dhexmarayo iyaga iyo ciidamada katirsan kuwa milatariga Ethiopia. Oromada ayaa waqtigaas ku doodaysay in laga qaaday dhul beereedyo ay lahaayeen.

Gacan ka hadalkii ugu dambeeyay oo ka dhacay xuduuda Galbeed ee dalka Ethiopia, waxaa ku barakacay in kabadan 30,000 oo qof.

Gobolada Oromia iyo Somalida ayaa ah labada gobo ee ugu wayn dalka Itoobiya.

Xiriirka u dhaxeeya labada gobol ayaa loo arkaa in ay haraysay arrinta loolan dhanka dhulka taasi oo horseeday muran iyo gacan ka hadal.

Muranka ayaa inta badan la xiriira khayradka sida biyaha iyo dhul daaqsimeedka, balse ilaa hadda si cad looma oga waxa dhibaatadaas salka ku hayso.

Xaaladda ayaa hadda degan inkastoo ay jirto cabsi u dhaxaysa shacabka kasoo kala jeeda labada dhinac. Dowladda Ismaamulka Soomalida Ethiopia ayaa dadka Soomaaliyeed uga digtay inay isticmaalaan waddooyinka mara goobaha ay daganyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM