Falastiini-Mareykan ah oo Ku Geeriyooday Weerarkii New Orleans

Image

New Orleans, LA – Kareem Badawi oo ardey 18-jir Falastiin-Mareykan ah,, ayaa lagu dilay weerar argagixiso oo ka dhacay Bourbon Street ee magaalada New Orleans, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof.

Aabbaha Kareem, Belal Badawi, ayaa ku shaaciyay bartiisa Facebook geerida wiilkiisa, isagoo muujiyay murugada qoyska soo wajahdey.

“Waxaan si murugo iyo tiiraanyo leh, ku shaacinayaa geerida wiilkayga, Kareem Belal Badawi, oo aroornimadii hore ee maanta ku geeriyooday falka musiibada ah ee ka dhacay New Orleans. Waxaan Alle uga baryaynaa inuu u naxariisto Kareem, nagana siiyo samir iyo imaan aan ku gudubno musiibadan weyn,” ayuu Belal ku qoray.

Nolosha Waxbarasho ee Kareem

Kareem ayaa dhowaan ka qalin jabiyay dugsiga sare ee Episcopal School of Baton Rouge sanadkii 2024, isagoo dhowaan dhameystay semester-kiisii ugu horreeyay ee jaamacadda University of Alabama, halkaas oo uu ku baranayay cilmiga injineernimada.

Tacsi Jaamacadda Alabama

Madaxweynaha Jaamacadda Alabama, Stuart R. Bell, ayaa tacsi u diray qoyska iyo asxaabta Kareem, isagoo qoraal uu soo saaray ku tilmaamay geerida Kareem mid qalbi-jab ah.

“Maanta waxaan ogaaday in Kareem Badawi, mid ka mid ah ardayda jaamacaddeenna, lagu dilay weerarkii argagixiso ee ka dhacay New Orleans. Waxaan ka tacsiyeynayaa qoyska iyo asxaabta Kareem oo murugo weyn ku sugan,” ayuu ku yiri bayaanka.

Weerarkii ka dhacay New Orleans ayaa weli baaris lagu wadaa, iyadoo mas’uuliyiintu ay xaqiijiyeen in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan oo argagixiso ah. Qoyska Kareem iyo bulshada Baton Rouge ayaa tacsi iyo baroordiiq u muujiyay dhibbanaha, iyagoo Alle uga baryay naxariis iyo samir.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM