Fatahaadda Texas: 46 Qof oo Geeriyooday, 27 Carruur ah oo Weli La La’yahay

Image

Kerr County, Texas – Tirada dadka ku dhintay fatahaadihii ka dhashay roobab duufaan wata oo ka da’ay gobolka Texas ayaa gaartay 46 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Waxaa la xaqiijiyay in 15 carruur ah ay ka mid yihiin dadka dhintay, halka 27 carruur ah oo kale ay weli maqan yihiin.

Fatahaadaha ayaa si gaar ah u saameeyay xero xagaaga oo Kiristaan ah oo ku taalla Kerr County, meel u dhow magaalada San Antonio. Waxaa la badbaadiyay in ka badan 850 qof, balse gurmadka ayaa wali ka soconaya aagga si loo helo dadka weli la la’yahay.

Kooxaha samatabbixinta ayaa adeegsanaya diyaarado iyo doomaha gurmadka si ay u sii wadaan howlgallada, iyadoo xaaladda cimilada iyo wadooyinka xiran ay caqabad ku noqdeen shaqadooda.

Mas’uuliyiinta Mareykanka waxay sheegeen in dadaallada ay xooggan yihiin, balse waqtigu uu yahay mid xasaasi ah. Waxaa laga baqayaa in tirada dhimashada ay sii kordho haddii aan si degdeg ah loo helin carruurta maqan.

Waxaa la filayaa in dowladda dhexe ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah si gacan looga helo gurmadka iyo taageerada dadka ay masiibadu saameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM