Gaari lagu dhuftay Dhismaha Baarlamaanka Ingiriiska [Fahfaahin]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

LONDON — Booliska magaalada London ayaa sheegay in gaari lagu dhuftay derbiga xarunta Baarlamaanka dowladda Ingiriiska, kaasi oo ay ku dhaawacmeen dhowr qof.

Saraakiisha ayaa sheegay in darawalkii gaariga wadey ay ciidamada qabteen kadib weerarka oo dhacay saacadu markii ay ahayd abaare 7:37 a.m. waqtiga magaalada London.

Wali fahfaahin dheeraad ah lagama bixin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhacdadan, balse, Booliska London ayaa sheegay inay dhawaan ka warbixin doonaan sida ay wax u dhaceen.

Ciidamada amaanka ayaa goobta xiray, iyadoo gaadiidka gurmadka lagu arkayay banaanka xarunta Baarlamaanka, iyagoo daabulaya dhaawacyada, waxaana xaaladdu tahay mid kacsan.

London ayaa kusoo badanayay mudooyinkii dambe weerarada argagaxiso, iyadoo dhacdadan ka dhacday saaka nawaaxiga dhisamaha baarlamaanka ay noqonayso midii labaad sanadka gudahiida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM