Guriga Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo la weeraray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Dablay hubaysan ayaa weeraray guriga Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Willaim Runto, iyagoo dilay mid ka mid ka mid ah ilaaladiisa.

Weerarka dhacay saaka wax yar kadib markii Willaim Runto iyo qoyskiisa ka baxeen Aqalkan oo uu ku leeyahay magaalada Uasin Gishu oo ku taal galbeedka dalkaasi.

Ragga weerarka soo qaadey oo gaaraya saddex ayaa iska dhigay Ganacsato kuwa wax wareejiyo, kana codsaday Ilaalada inay u gudbiyaan Guriga si dhar uga soo iibiyaan qoyska Willaim Runto.

Balse markii laga diiday ayaa waxay lasoo baxeen hubkooda, iyagoo dhawacay hal Askari oo ilada ku celiyay, oo Madaxa iyi lugta ka dhaawacay, kadibna ka qaatey qorigiisa.

Waxay markii kadib awood u yeesheen inay u gudbaan gudaha dhisamaha, halkaasi oo ay ku dileen Askari kale, kahor inta aysan soo gaarin goobta ciidamo iyo shacab gurmad ah.

Sawirro laga soo qaadey Guriga Willaim Runto  iyo dibadiisa ayaa muujinaya Ciidamo Booliis ah ayaa isku gadaamay dhisamaha, iyadoo ay kusoo baxeen dadweyne Ulo iyoo Mindiyo ku hubaysan oo kusoo qulqulaya.

Willaim Runto ayaa ku maqnaa Isku soo bax Ololaha Doorashada oo lagu qabanayay degmada Kitale, xilli lasoo weerarka lagu soo qaadayay Gurigiisa, sida ay Saraakiisha amaanka sheegeen.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarka, kaasi oo dhacay maalin kadib markii shalay ay Kooxda Al shabaab weerar gaadmo ah ku qaadey Kolonyo Gaadiid ah, oo katirsan Kooxda Ololaha mid kamid ah Murashaxiinta doorashada xilli ay marayeen deegaan ku dhaw Mandheera.

Kenya ayaa ku jirta diyaar-garowii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxtinimo, oo la filayo inay dhacdo bisha August 8, 2017, iyadoo Al shabaab ay weeraro ka fulinayso qeybo kamid ah gobolka Waqooyi bari, gaar ahaan degmooyin ku teedsan Xuduuda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM