UN: Myanmar waxaa ka socda Isir Sifeyn

Image

Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay barakacinta lagu hayo bulshada Rohingya ee dalka Myanmar mid isir sifeyn ah.

Isaga oo Arbacadii wariyaasha kula hadlayey xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayuu Guterres sheegay in sadex marki loo qeybiyo bulshada Rohinga qeyb ay ka carartay dhulki ay daganaayeen.

Wuxuu intaasi raaciyay in erayga kaliyah ee lagu qeexi karo waxa halkaasi ka socdaa uu yahay isir sifeyn.

Wuxuu ugu baaqay dowlada Myanmar inay joojiso howlgalada miltari ee ay ka waddo gobolka Rakhine ee ay ku badanyihiin muslimiinta Rohingya.

Wuxuu kale oo uu ka dalbaday dowlada in ay gobolka kusoo celiso sharciga iyo kala danbeynta isla markaana ay u ogolaato dadka la barakiciyay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu saacaha soo aadan go,aan kasoo saaro arrinta Myanmar.

GO + VOA

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM