Halaga Barakaco Tehran – Trump oo Digniin Diray xilli Dagaalka Israel iyo Iran Sii Xoogeysanayo

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin culus u diray dadka ku nool Caasimada Iran, ee Tehran, isaga oo sheegay in dagaalka cirka ee u dhexeeya Israel iyo Iran uu sii socon doono oo aan la filayn wax nasasho ah.

Trump ayaa sheegay in “wax weyn socdaan” islamarkaana laga yaabo inuu u diro wakiillo sare oo Mareykan ah si ay ula kulmaan madaxda Iran, hase yeeshee uu rabo “heshiis dhab ah” oo lagu joojin karo hanjabaadda nukliyeer.

Hadalkan Trump oo si lama filaan ah uga soo yeeray xilli uu kasoo ambabaxayay shirka G7 ee dalka Canada, wuxuu ku sheegay in Israel ay sii wadi doonto weerarada ay ku qaadayso Iran, taasoo durba galaaftay saraakiil sare iyo saynisyahanno muhiim ah oo ka tirsanaa Iran.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka uusan wax xiriir ah la lehayn heshiis xabad-joojin ah oo la sheegay inuu socdo, isagoo beeniyey hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Digniinta Trump iyo sii socoshada dagaalka ayaa sababay cabsi xooggan oo laga qabo inuu faraha ka baxo, iyadoo dad badan ay bilaabeen inay ka barakacaan magaalada Tehran iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Iran.

Dowladda Israel waxay sheegtay in ay hadda gacanta ku hayso hawada Iran, islamarkaana ay damacsan tahay in ay kordhiso weerarada maalmaha soo socda.

Isbeddelkan lama filaanka ah ee xaaladda ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli Mareykanka uu sheegay in ujeedadiisu tahay in Iran laga joojiyo horumarinta hubka nukliyeerka, balse aan loo dulqaadan doonin wax khatar ah oo ka imaan karta dhinaca Tehran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM