Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Image

WASHINGTON — Heshiis muddo ku dhow labaatan sano laga shaqeynayay oo Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ay ka gaareen iskaashiga tamarta nukliyeerka rayidka ah ayaa durba galay xaalad hubanti la’aan ah, kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku xiray shuruudo aan lagu shaacin markii heshiiska la saxiixayay.

Arbacadii, Wasiirka Tamarta Mareykanka Chris Wright ayaa xarunta Wasaaradda Tamarta ee Washington kaga qaybgalay munaasabad lagu saxiixayay heshiiska, halka Wasiirka Tamarta Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Salman uu Riyadh uga qaybgalay khadka muuqaalka.

Heshiiska ayaa Sacuudiga siinayay fursad uu ku horumariyo barnaamij nukliyeer rayid ah isagoo kaashanaya tiknoolajiyadda iyo shirkadaha Mareykanka. Sida ay CNN werisay, qodobada la isla meel dhigay waxay sidoo kale xaalado gaar ah u oggolaan kareen in uranium lagu farsameeyo gudaha Sacuudiga, arrin muddo dheer muran ka taagnaa sababo la xiriira khatarta faafitaanka hubka nukliyeerka.

Hase yeeshee, wax ka yar 24 saacadood kadib saxiixa, Trump ayaa sheegay in heshiisku uusan sii socon karin haddii Sacuudi Carabiya aysan ku biirin Abraham Accords, oo ah heshiisyadii lagu bilaabay xilligii koowaad ee Trump laguna caadiyeeyay xiriirka Israel iyo dhowr dal oo Carbeed. Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuusan oggolaan doonin in heshiisku Sacuudiga siiyo awood uu uranium ku kobciyo.

Isbeddelkaas ayaa la sheegay inuu lama filaan ku noqday qaar ka mid ah saraakiishii Mareykanka ee ka shaqeynayay wada-xaajoodka nukliyeerka, maadaama shuruudda xiriirka Sacuudiga iyo Israel aysan qayb ka ahayn heshiiskii Arbacadii la shaaciyay.

Wararka laga helayo gudaha maamulka ayaa sidoo kale muujinaya khilaaf u dhexeeya Aqalka Cad iyo Wasaaradda Tamarta. Ilo xog-ogaal ah ayaa CNN u sheegay in Trump iyo qaar ka mid ah saraakiishiisa sare aysan ku qanacsanayn in heshiiska si rasmi ah loo shaaciyo xilligaas, iyadoo weli aan Congress-ka loo dirin dhammaan waraaqihii sharci ahaan looga baahnaa.

Aqalka Cad ayaa ku adkeysanaya in mowqifka maamulka uu cad yahay. Afhayeenka Aqalka Cad Taylor Rogers ayaa sheegay in iskaashiga nukliyeerka Sacuudiga uu ku xiran yahay Riyadh inay ku biirto Abraham Accords, taas oo maamulka Trump uu u arko waddo lagu ballaarin karo xiriirka Israel iyo dalalka Carabta.

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska, iyadoo sheegtay in wada-xaajoodka iyo qorshaha shaacintiisaba lala socodsiiyay Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Arrinta uranium-ka oo walaac dhalisay

Khilaafka ugu weyn wuxuu ku saabsan yahay laba arrimood: suurtagalnimada in Sacuudigu gudaha dalkiisa ku kobciyo uranium iyo heerka kormeerka ay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga, IAEA, ku yeelan karto barnaamijka.

Khubarada ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka ayaa ka digaya in awoodda kobcinta uranium-ku, inkastoo loo adeegsan karo tamar rayid ah, ay sidoo kale waddan siin karto aqoon iyo kaabayaal farsamo oo mustaqbalka loo adeegsan karo dhinaca hubka.

Taageerayaasha heshiiska ayaa dhinaca kale ku doodaya in Sacuudigu go’aansaday inuu yeesho barnaamij nukliyeer, sidaas darteedna ay dani ugu jirto Washington inay Riyadh la shaqeyso oo ay saameyn ku yeelato heerarka badbaadada iyo ka hortagga faafitaanka hubka, halkii Sacuudigu tiknoolajiyaddaas ka raadsan lahaa Shiinaha ama Ruushka.

Israel iyo Falastiin oo heshiiska udub-dhexaad u noqday

Heshiiska nukliyeerka ayaa hadda si toos ah ugu xirmaya arrinta ka weyn ee xiriirka Sacuudiga iyo Israel.

Maamulkii Joe Biden ayaa isaguna isku dayay inuu isku xiro saddex arrimood: heshiis nukliyeer oo Mareykanka iyo Sacuudiga dhex mara, dammaanad-qaadyo amni, iyo in Riyadh xiriir diblomaasiyadeed la sameyso Israel. Wadahadalladaas waxaa si weyn u carqaladeeyay weerarkii Hamas ee 7-dii Oktoobar 2023 iyo dagaalkii Gaza ee xigay.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Mohammed bin Salman, ayaa tan iyo markaas caddeeyay in Riyadh aysan xiriir rasmi ah la yeelan karin Israel iyadoo aan jirin waddo dhab ah oo loo maro dhismaha dowlad Falastiini ah.

Taas ayaa ka dhigaysa shuruudda cusub ee Trump mid aad u culus: haddii Washington ay ku adkeysato in heshiiska nukliyeerka lagu xiro Abraham Accords, Riyadh waxaa laga doonayaa inay qaado tallaabo siyaasadeed oo Sacuudigu hore ugu xiray horumar muuqda oo laga sameeyo qadiyadda Falastiin.

Warbaahinta taageerta xisbiga Trump garabka mayalka adag oo cadaadis kordhiyey

Sida ay CNN werisay, dhaleeceyn xooggan oo kasoo baxday warbaahinta Jamhuuriga Mareykanka kuwooda mayalka adag ayaa qayb ka qaadatay isbeddelka degdegga ah ee Trump.

Fox News iyo bogga ra’yiga ee Wall Street Journal ayaa su’aal geliyay sababta maamulka Trump uu Sacuudiga u siinayo heshiis nukliyeer iyadoo Riyadh aysan marka hore xiriir la sameyn Israel. Dhaleeceyntu waxay xustay in maamulkii Biden uu iskaashiga nukliyeerka u adeegsanayay qayb ka mid ah gorgortanka lagu doonayay caadiyeynta xiriirka Sacuudiga iyo Israel.

Daqiiqado kadib markii arrintaas laga dooday Fox News subaxnimadii Khamiista, Trump ayaa baraha bulshada ku shaaciyay shuruudda cusub.

Waxaa sidoo kale soo baxay tuhun ah in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu isku dayay inuu saameyn ku yeesho heshiiska, maadaama Israel muddo dheer walaac ka qabtay in Sacuudiga loo oggolaado awoodda kobcinta uranium-ka. Hase yeeshee, Aqalka Cad ayaa sheegay inuusan ogeyn wada-hadal cusub oo Trump iyo Netanyahu dhex maray ka hor go’aanka.

Heshiiska ayaa sidaas ku galay marxalad cusub oo aan hadda ahayn oo keliya iskaashi dhinaca tamarta ah. Wuxuu noqday qayb ka mid ah loollanka istiraatiijiga ah ee Bariga Dhexe, oo ay isku dhex jiraan barnaamijka nukliyeerka Sacuudiga, amniga Israel, dowladnimada Falastiin, saameynta Mareykanka ee gobolka iyo tartanka Washington kula jirto Shiinaha iyo Ruushka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM

Maraakiibta shidaalka Sacuudiga oo lagu weeraray Badda Cas

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Ansar Allah, ayaa 20-kii Luulyo ku dhawaaqday xannibaad badeed ka dhan ah Sacuudiga.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 09:18AM