Hindiya oo Diidey Iney Dhag Jalaq u Siiso Hanjabaad ka Timid Madaxweyne Trump

Image

(GO) - Warbixin uu daabacay wargeyska New York Times ayaa tilmaamaysa in Dowladda Hindiya aysan wax isbedel ah ku samayn qorshaheeda shidaal iibsiga Ruushka, inkasta oo Madaxweyne Donald Trump uu horey u muujiyay in cunaqabateyn lagu soo rogi karo dalalka sii wada xiriirka ganacsi ee Ruushka, gaar ahaan saliidda iyo hubka.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Hindiya ayaa sheegay in aysan jirin wax tilmaam rasmi ah oo dowladda ka soo baxday oo shirkadaha shidaalka lagu farayo in ay joojiyaan ama yareeyaan saliidda ay ka keensadaan Ruushka. Mid ka mid ah saraakiishaas ayaa xusay in “aan wax talo ah la siin shirkadaha shidaalka ee ku saabsan jaridda saliidda Ruushka.”

Wararka ayaa intaas ku daraya in Trump uu mar uu hadal ka jeedinayay bartiisa Truth Social bishii Luulyo ku hanjabay in Hindiya iyo dal kasta oo sii wada iibsiga saliidda Ruushka la saari doono canshuur dhan boqolkiiba boqol, haddii uu Ruushku heshiis nabadeed la gaarin Ukraine. Si kastaba, hadal dambe ayuu ku tilmaamay in arrimahaasi aysan khuseyn.

Trump ayaa Jimcihii u sheegay weriyeyaasha in uu helay war sheegaya in Hindiya ay joojisay iibsiga saliidda Ruushka. Laakiin xogaha laga helay gudaha Hindiya arrintaas ma caddeyn, waxaana la sheegay in aysan jirin isbedel rasmi ah oo ka yimid siyaasadda shidaalka ee dalkaas.

Sida la og yahay, Ruushku waa dalka ugu weyn ee saliidda siiya Hindiya, isaga oo bixiyaa ku dhawaad 35% baahida saliidda ee dalkaasi. Inkasta oo warbixinno hore ay sheegayeen in shirkadaha Hindiya ee dowladdu leedahay ay hoos u dhigeen iibka saliidda Ruushka bishii Luulyo, haddana muuqata in xiriirka ganacsi ee labada dal uu weli xooggan yahay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM