​Hishiis dhex-maray Maraykanka iyo Qadar

Image

DOXA, Qadar- Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar iyo dhigiisa Maraykanka ayaa hishiis kuwada gaaray magaalada Doxa kadib wadahadal muddo u socday oo ay diiradda ku saareen la dagaallanka Argagixisada.

Hishiiska labada dhinac ayaa dhigayay in Xukuumadda Doxa oo lagu eedaynayo inay maalgaliso Xagjiriinta, ka qayb qaadato dagaalka lagula jiro shakhsiyaadka iyo hay'adaha taageera Argagixisada Caalamka.

Xoghayaha arrimaha Dibadda Maraykana Rex Tillerson, ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay qaadatay Qadar, isagoo xusay inay rajo wanaagsan ka qabaan soo afmeeridda khilaafka waddamada Khaliijka.

Xulafada Sacuudigu horkacayo ayaa Qadar ku eedeeyay inay taageerto Argagixisada Caalamka iyadoo soo dhaweysa ururada iyo shakhsiyaadka dagaalka kawada bariga dhexe.

Balse Qadar ayaa goor sii horaysay arrintaas gaashaanka ku dhuftay, waxaana Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, oo hadlay hishiiska kadib Sucuudiga ugu baaqay inay saxiixdo hishiiska ay saxiixeen hadii ay ka dhabtay mowqifkooda ku aadan inay la dagaallamaan Argagixisada.

Sucuudiga,  ayaa soo dhaweeyay hishiiska Maraykanka iyo Qadar, isagoo ku tilmaamay tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday, asii aan ku filnayn xasaradda ka dhex taagan waddamada Khaliijka.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tillerson oo booqasho ku maraya dalalka Khaliijka ayaa ku wajahan dalka Sacuudiga.

Maraykanka ayaa u ololeynaya in lasoo afmeero Khilaafka keenay in calaaqaadka loo jaro Qadar islamarkaana go'doon la galiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM