Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar
Doha, Qatar – Hoggaamiyeyaasha waddamada Carabta iyo Islaamka ayaa ku sii qulqulaya caasimadda Qatar, Doha, si ay uga tashadaan jawaab mideysan oo laga bixiyo duqeyntii Israa’iil ay toddobaadkii hore ku beegsatay magaaladaas, iyadoo Israa’iil sheegtay in weerarka uu la xiriiray bartilmaameed lagu qaaday saraakiil ka tirsan Xamaas.
Weerarka, oo dhacay xilli xubno sare oo Xamaas ah ay ku sugnaayeen xafiiskooda Doha si ay uga wada hadlaan heshiis nabadeed oo uu soo jeediyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa gilgilay guud ahaan Bariga Dhexe iyo meelo ka baxsan.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Israa’iil ayaa weerarka ku dishay shan xubnood oo ka tirsan Xamaas iyo hal sarkaal amni oo Qatari ah, inkastoo aysan gaarin hoggaanka sare ee Xamaas oo ay sheegatay inay bartilmaameedsanaysay.
Weerarka ayaa yimid saacado un kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, uu sheegay in dowladdiisu ay aqbashay soo-jeedinta Trump, taasoo lagu beddelanayo 48 maxbuus oo Israa’iil lagu haysto, oo la sii daayo, iyadoo la beddelanayo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil, iyo xabbad-joojin rasmi ah.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar, taasoo loo arkay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dal madax-bannaan iyo fal argagixiso oo dawlad sameysay.
Qatar Muxuu Jawaab Bixinayaa?
Qatar ayaa casuuntay madaxda dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka si ay uga qeybgalaan shirar isdaba joog ah oo la soo gunaanadi doono Isniinta, markaas oo la qaban doono Shirka Degdegga ah ee Carabta iyo Islaamka.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed bin Mohammed Al-Ansari, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Qatar (QNA) in “shirku uu ka doodi doono qaraar ka dhan ah weerarka Israa’iil” kaasoo lagu tilmaamay inuu yahay “tusaale kale oo muujinaya argagixiso dawlad sameysay oo Israa’iil ay caado ka dhigatay.”
Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Axadda ayaa looga shaqeyn doonaa qaraarka, waxaana la filayaa in la ansixiyo Isniinta, iyadoo si weyn loogu biirin doono cambaareynta caalamiga ah ee Israa’iil.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, oo Jimcihii la kulmay Madaxweyne Trump magaalada New York, ayaa sheegay in Qatar ay wado qorshe lagu helo jawaab wadajir ah oo mideysan, taasoo la jaanqaadaysa halista weyn ee weerarkaasi uu ku yahay amniga gobolka oo dhan.
Wararka ayaa tilmaamaya in Qatar iyo xulafadeeda ay cadaadis xooggan saarayaan Israa’iil si ay uga jawaabto xadgudubyada sharci-darrada ah ee ay ka geysanayso gudaha iyo dibedda Falastiin.
GAROWE ONLINE