Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub: Xaaladda Bani’aadanimo ee Gaza Waa Mid “Aan La Aqbali Karin”

Image

LONDON – Hoggaamiyeyaasha Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa Isniintii si adag ugu baaqay Israa’iil in ay si degdeg ah u oggolaato in gargaar bini’aadanimo dib loogu fasaxo marinka Gaza, kadib go'doomin socotay ku dhowaad saddex bilood.

Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer ayaa shir jaraa’id oo ka dhacay London, kadib shir-madaxeed dhexmaray Midowga Yurub iyo UK, ku sheegay in xaaladda Gaza ay tahay “mid aan la aqbali karin” iyo “dhib aan loo dulqaadan karin.”

Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa iyaduna sheegtay: “Gargaarka waa inuu si degdeg ah u gaaraa dadka shacabka ah ee u baahan. Go’doominta Gaza waa in la qaadaa hadda, maxaa yeelay gargaar bini’aadanimo lama siyaasadeyn karo.”

Tan iyo 2-dii Maarso, Israa’iil ayaa xirtay marinnada gargaarka iyadoo diiday gelitaanka cunto, shidaal, dawooyin iyo agabyo kale oo bini’aadanimo. Tallaabadan ayaa cambaareyn joogto ah kala kulmeysay Qaramada Midoobay, hay’adaha gargaarka iyo qaar ka mid ah xulafadeeda Yurub.

Madaxweynaha Golaha Yurub António Costa ayaa sheegay in waxa ka socda Gaza ay yihiin “musiibo bani’aadanimo oo lagu xadgudbayo sharciga caalamiga ah si joogto ah, iyadoo dad dhan lagu beegsanayo awood militari oo aan le’egayn."

UK iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku baaqay in si rasmi ah loo joojiyo dagaalka Gaza iyo in la sii daayo dhammaan dadka la haysto. Hadalladan ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu Axaddii sheegay in Israa’iil oggolaan doonto "qadar yar oo cunto aasaasi ah" si looga hortago macaluul.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhammaan shacabka Gaza oo ka badan 2 milyan ay haatan ku sugan yihiin xaalad halis ah oo macaluul ah. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil, Eden Bar Tal, ayaa Isniintii ku sheegay shir jaraa’id in "Israa’iil maanta oggolaatay inay galaan gawaari siday cunto carruurta loogu talagalay, waxaana maalmaha soo socda la oggolaan doonaa tobanaan kale oo gaadiid gargaar ah."

Sida uu sheegay Madaxa Gargaarka Bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, Israa’iil ayaa Isniintii oggolaatay sagaal gaari oo UN-ta ah inay galaan Gaza, hase yeeshee wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay “dhibic biyo ah oo bad lagu shubay.”

Go’aanka Israa’iil ee ah in la fasaxo gargaar kooban ayaa imanaya iyadoo ay bilowday weerarro dhulka ah oo ay ku sheegtay "ballaaran", kuwaasoo ah kuwii ugu xooganaa tan iyo markii ay jebisay xabbad-joojintii ay la lahayd Xamaas 18-kii Maarso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM