Hotel caan ah oo ku yaala London oo dab qabsaday [Sawirro]

Image
Image
Image

LONDON, UK- Hoteelkaan oo ku yaalla degmada Knightsbridge, oo ka tirsan Magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu magacabaa Mandarin Oriental, kaasi oo ah mid si wayn loo yaqaan.

Dabka ayaa ka kacay qeybaha sare ee Mandarin Oriental Hotel, iyadoo aan la ogeyn waxa uu ka dhashay Dabkaan, balse Booliska ayaa waxay ku howlan yihiin inay ogaadaan waxa sababay.

Dab-damiyaasha ayaa ku howlan inay damiyaan Dabka, kaasoo qabsaday inta badan guud ahaan qeybta dhisamaha uu ka kooban yahay Hotel-ka.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay Dabka, iyadoo shaqaalaha ay rumeysan yihiin in dhamaan dadkii ku sugnaa Hoteelka gudhiisa ee martida ahaa in laga so daabulay gudaha Hoteelka.

Mandarin Oriental oo kamid ah kuwa ugu waa weyn uguna caansan UK, ayaa waxaa dabkaan qabsaday uu imaanayaa iyadoo dhawaan uu ku dhawaaqay qorshe dib u dayac-tir loogu sameynayo.

Inta badan martida Hoteelka waa qoyska Boqor ee dalka Ingiriiska, sida laga soo xigtay Website-ka Hotel-ka.

Waxaa la dhisay Hotel-ka sanadkii 1963 waxaana uu kamid yahay kuwa loogu jecel yahay dalka Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM