Human Rights Watch oo dalbatey in baaris lagu sameeyo Mukhtar Robow

Image

NAIROBI, Kenya-  Afhayeen u hadlay hay'ada xuquuqul insaanka eegta ayaa sheegey in sharciga caalamiga ah ( International Law) uu mamnuucayo in cafis loo fidiyo kuwa gaysta xadgudubyada.

Qoraalkaan oo barta twitter hay'ada Human right watch ku leedahay soo dhigtey laetitia Bader ayaa lagu sheegey in Mukhtar Robow uu door hogaamineed ku lahaa Al shabaab markii ururkaan weeraro aan loo meeldayin la beegsanayeen dadka rayidka ah, caruurta lagu khasbayey in ciidamada qortaan halka  dhibaatooyin ku hayeen dadka ku nool degaanada kooxdaan ka talineysay waqtigaas.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegey in dowlada Fedraalka Somaaliya looga baahan yahay iney baaris ku sameyso doorka Mukhtar Robow ku lahaa xadgudubyadaan si loo hubiyo in kuwa mas'uulka ka ah dhibaatooyinkaan ka baxsadaan ciqaabta. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM