Imaaraadka oo ka digay tallaabo adag haddii weerarrada Iran sii socdaan

Image

ABU DHABI — Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta, Reem Al-Hashimi, ayaa sheegtay in dalkoodu qaadi karo tallaabooyin adag haddii Iran ay sii waddo weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu beegsanayo dhulka UAE.

Wareysi ay siisay CNN, ayay Al-Hashimi ku sheegtay in Imaaraadku diyaar u yahay inuu is difaaco, inkastoo ay rajeynayaan in xaaladdu halkaas gaari doonin.

“Waxaan diyaar u nahay inaan is difaacno. Waxaan rajeyneynaa inaanay arrintu halkaas gaadhin, balse ma fadhiyi doonno annagoo weli bartilmaameed u ah mowjadahan weerarrada ah,” ayay tiri.

Markii la weydiiyay suurtagalnimada tallaabo militari, ayay sheegtay in arrintaas ay weli furan tahay.

“Haddii ay sidaas noqoto, way noqon doontaa,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay in hadda go’aanka uu gacanta ugu jiro Iran, iyadoo ugu baaqday inay si masuuliyad leh ula dhaqanto dal deris ah oo ay ku tilmaantay mid mar walba la shaqeyn jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM