Imran Khan oo loo dhaariyay xilka Ra'iisul Wasaaraha Pakistan

Image

ISLAMABAD - Halyeeygii hore ee ciyaaraha Kirketka dalka Pakistan Imran Khan, ayaa maanta oo Sabti loo dhaariyay inuu noqdo Ra’isulwasaaraha cusub ee Pakistan.

Baarlamaanka cusub ee dhawaan lasoo doortay ee Pakistan ayaa Jimcihii shalay u soo xushay Khan inuu noqdo Ra’isulwasaaraha. Kadib marki xisbigiisa PTI uu helay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka.

Imran Khan oo ah 65 sano jir ayaa noqday Ra’isulwasaarihi labaad si dimoqraadi ah lagu soo doorto gudaha Pakistan 70-ka sano ee ay Pakistan tahay dal madax bannaan.

Doorashooyinkii baarlamaaniga ayuu Imran Khan ka helay 176 halka xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N) ee uu hogaamiyo Shahbaz Sharif, uu helay 96 kurisi.

Mr. Khan ayaa hogaaminayay xulkii kubadda kiriketka dalka Pakistan ee sannadki 1992-ki ku guuleystay koobka aduunka ee ciyaaraha Kiriketka.

Caqabadaha horyaalla ayaa waxaa ka mid ah dhaqaalaha, ka hortaga saameynta dagaalka sokeeye ee Afghanatan iyo wanaajinta xiriirka Pakistan iyo Mareykanka oo waayadaan danbe liitay.

Related Articles

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM