​In kabadan 2 Milyan oo qof oo maanta Carrafo taagnaa

Image
Image
Image

In kabadan 2 Milyan oo qof oo muslimiin ah ayaa maanta gudanaysay tiir kamid ah acmaasha Xajka xilli maanta ay tahay 9 bisha Dil Haj. Dadkaas ayaa isaga kala yimid dunida dacaladeeda.

Xujeyda ayaa xalay ku ku hoyday magaalada Mina,  iyagoo kadib saaka u kalahay Banka Carafo, si ay ALLE u weydiistaan dambi dhaaf iyo naxariis.

Barri oo Jimcaha ayaa algu wadaa inay noqoto Ciidul Adxa sidaasna lagusoo afmeero gudasha mid kamid ah tiirarka Islaamka ee sannadkan.

"Waxaan ALLE ka baryaynaa in uu nasiiyo naxariistiisa wasaca ah, sidoo kalena naga aqbalo acmaasha wanaagsan." Sidaas wakaaladda wararka AP u sheegay 47 sano jir kasoo xajiyay waddanka Masar.

Noura Sulieman oo kamid ah muslimiinta kasoo xajiday waddanka Philippine, ayaa tiri, "Waxaan halkan u imid si aan u guto waajibaadka Xajka ugu duceeyo, qoyskayga, carruurtayda, muslimiinta reer Philippine iyo dhammaan muslimiinta dunida."

Xujayda maanta Carrafo taagnayd waxaa kamid ah boqolaal Somali ah, kuwaasoo dhawaan cabasho ka muujinayay qaabka ay ula dhaqmeed shakhsiyaadkii ka qaaday dalka Somalia.

Dhinaca kale Muslimiinta maanta oo kale nasiibka u yeelan inay tagaan Xajka ayaa Sooma si ay ALLE u weydiistaan Dambi dhaaf.

Guud ahaan dunida Muslimka ayaa bari u tahay mid kamid ah ciidamada ugu weyn Islaamka, taasoo ah mid la quudiyo Masaakiinta iyadoo la qalo xoolo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM