India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Image

NEW DELHI — Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen, qarax ka dhacay agagaarka Red Fort ee caasimadda Hindiya, New Delhi, sida ay sheegeen booliiska iyo warbaahinta gudaha.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa Isniintii baahisay muuqaallo muujinaya dab iyo qiiq ka kacaya gaadiid dhowr ah oo la sheegay in ay taagnaayeen waddo ciriiri ah oo ku dhow saldhig metro ah, meel u dhow magaalada hore ee Delhi.

Afhayeenka booliiska Delhi, Sanjay Tyagi, ayaa u sheegay wakaaladda Associated Press in ugu yaraan siddeed qof ay dhinteen, halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen. “Waxaan baaraynaa sababta qaraxa,” ayuu yiri Tyagi.

Warbaahinta dowladda ee Doordarshan News ayaa sheegtay in qaraxu uu ka dhacay gaari u dhow xarunta taariikhiga ah ee Red Fort, taasoo keentay in gaadiid kale oo ku dhow ay dab qabsadaan.

Sida laga soo xigtay Waaxda Dab-damiska Delhi, kooxaha eeyaha baaritaanka, khubarada faransiiska, iyo booliiska ayaa goobta jooga, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo nooca qaraxa.

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

Red Fort, oo loo yaqaan Lal Qila, waa qalcad taariikhi ah oo laga dhisay xilligii boqortooyadii Mughallada qarniyadii 17-aad, taas oo sanad kasta ay booqdaan kumannaan dalxiisayaal ah.

GAROWE ONLINE
 

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM