India waxay soo weerari rabtaa Pakistan - Wasiir

Image

Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Asif, ayaa sheegay in weerar millatari oo ay ciidamada Hindiya kusoo qaadaan Pakistan uu yahay mid "soo socota oo aan laga fursan karin," isagoo xusay in dalkiisa uu ku jiro heegan sare.

Isagoo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, ayuu Asif ku sheegay in Pakistan ay diyaar u tahay inay iska difaacdo weerar kasta, balse hubka nukliyeerka ah aan la adeegsan doonin "haddii aysan jirin khatar toos ah oo ku wajahan jiritaanka dalkeena."

Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisad siyaasadeed iyo mid militari ay cirka isku sii shareerayaan, iyadoo labada dal ee deriska ah – kuwaasoo horey dagaallo u dhexmaray – ay isku hayaaan arrimo xuduudeed iyo amni.

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Hindiya ee ku sugan xadka Kashmir, halkaasoo laga cabsi qabo in laga bilaabo weerar cusub.

Xiisada ayaa ka dhalatay weerarkii dhawaan ka dhacay gobolka Kashmiir qeybta India ay maamusho oo lagu dilay 26 dalxiise.

Pakistan iyo Hindiya ayaa labaduba leh awood nukliyeer, waxaana beesha caalamka ay horay uga digeen wax kasta oo keeni kara dagaal weyn oo gobolka Geeska Koonfureed ee Aasiya ah.

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM