India waxay soo weerari rabtaa Pakistan - Wasiir

Image

Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Asif, ayaa sheegay in weerar millatari oo ay ciidamada Hindiya kusoo qaadaan Pakistan uu yahay mid "soo socota oo aan laga fursan karin," isagoo xusay in dalkiisa uu ku jiro heegan sare.

Isagoo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, ayuu Asif ku sheegay in Pakistan ay diyaar u tahay inay iska difaacdo weerar kasta, balse hubka nukliyeerka ah aan la adeegsan doonin "haddii aysan jirin khatar toos ah oo ku wajahan jiritaanka dalkeena."

Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisad siyaasadeed iyo mid militari ay cirka isku sii shareerayaan, iyadoo labada dal ee deriska ah – kuwaasoo horey dagaallo u dhexmaray – ay isku hayaaan arrimo xuduudeed iyo amni.

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Hindiya ee ku sugan xadka Kashmir, halkaasoo laga cabsi qabo in laga bilaabo weerar cusub.

Xiisada ayaa ka dhalatay weerarkii dhawaan ka dhacay gobolka Kashmiir qeybta India ay maamusho oo lagu dilay 26 dalxiise.

Pakistan iyo Hindiya ayaa labaduba leh awood nukliyeer, waxaana beesha caalamka ay horay uga digeen wax kasta oo keeni kara dagaal weyn oo gobolka Geeska Koonfureed ee Aasiya ah.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM