Indonesia: diyaarad 162 qof la socdeen oo la la'yahay

Image

December 28, 2014 (GO)- Diyaarad shirkadda duulimaadyada Malaysia ee Air Asia leedahay oo 162 qof la socdeen ayaa la waayey goor hore oo maanta ah, waxaana socda dadaalo lagu baadi goobayo diyaarada oo loo malaynayo inay ku dhacday badda Java.

Diyaarada oo nooceedu ahaa Airbus A320-200 waxay raadaarka ka baxday 45 daqiiqo kadib markii ay hawada gashay kana duushay magaalada Surabaya ee dalka Indonesia iyadoo ku sii jeedey wadanka Singapore.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka shirkadda Air Asia ayaa lagu sheegay in dadka diyaarada la socdey isugu jireen 155 rakaab ah oo u badan Indonesian iyo 7 qof oo shaqaalaha diyaarada ah kuwaasoo duuliyaha iyo kaaliyihiisu kamid yihiin.

"xilligan la joogo macluumaad dheeri ah kama hayno xaaladda diyaarada iyo rakaabkii la socdey, balse wixii macluumaad ah oo soo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonaa" sidaas waxaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay bogga Facebook ee shirkadda.

Rakaabka diyaarada ayaa u kala dashay dalalka:

1 Singapore

1 Malaysia

3 South Korea

1 United Kingdom

149 Indonesia

 

Shaqaalaha diyaarada:

1 France

6 Indonesia

Waa diyaaradii saddexaad ee  Air Asia leedahay ee la waayo intii lagu guda jirey sanadkan sii dhamaanaya ee 2014.

March 8, 2014 waxaa burburtay diyaarad shirkaddaasi lahayd oo 239 qof la socdeen taasoo ka duushay Kuala Lumpur  kuna sii jeedey Beijing, sidoo kale bishii July ee lasoo dhaafay 17-keedi diyraad kale oo Air Aisa  leedahay ayaa lagu soo ridey bariga dalka Ukrine oo xilligaas dagaalo ka socdeen 289 qof ayaana shilkaas ku geeriyoodey.

Xigasho: Aljazeera/English

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM