Indonesia: in ka badan boqol qof oo la la'yahay kadib markii dhulku la go'ay

Image

December 13, 2014 (GO)- Todoba qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen jaziiradda Java ee dalka Indonesia ugu yaraan boqol kalena waa la la'yahay kadib markii uu dhulku la go'ay.

Roobab mahiigaan ah oo da'ayey dhowr maalmood oo xiriir ah ayaa sababay in daadad xoogani deegaanada buuraleyda ah kasoo rogmadaan carraduna aad u jilicdo.

Khasaaraha ugu badani wuxuu ka dhacay gobolka hilly halkaasoo guryo dhowr ah iyo goobo ganacsi uu dhulku la go'ay.

Sutopo Purwo oo ah madaxa Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Indonesia ayaa sheegay in boqollaal kooxaha badbaadada ah halkaas loo diray.

Purwo ayaa sidoo kale sheegay in dadaallada badbaadinta caqabad ku noqdeen roobka oo weli da'aya, jidadka oo xiran iyo isgaarsiinta oo meelaha qaar ka go'an.

Dalka Indonesia oo ka kooban in ka badan 17,000 oo jaziiradood waxaa sanad walba ka dhaca shilal noocan oo kale ah oo intooda badan kusoo aada xilliyada roobabka markaasoo oogada dhulku aad u jilicdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM