Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Image

Britain ayaa Talaadadii joojisay wadahadalladii heshiiska ganacsiga xorta ah ee Israel, waxayna u yeertay safiirka Israel, iyadoo sidoo kale ku dhawaaqday cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah deegaannada Yuhuudda xoogga ku haystaan ee Daanta Galbeed.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer uu sheegay inuu ka argagaxay dagaalka sii kordhaya ee Gaza, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo xayiraadda gargaarka bani’aadamnimo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda David Lammy ayaa cambaareeyay xayiraadda ay Israel saartay gargaarka iyo waxa uu ugu yeeray "xagjirnimo" ka dhex jirta dowladda Israel. Waxa uu ku dhawaaqay in Britain aysan sii wadi karin heshiisyo ganacsi iyadoo ay xaaladdu sidan tahay.

“Waa arrin ka hor imaanaysa qiyamka shacabka Britain. Sidaas darteed, waxaan maanta joojinay wadahadalladii heshiiska ganacsiga xorta ah,” ayuu yiri Lammy.

Britain, Faransiiska, iyo Kanada ayaa si wadajir ah u cambaareeyay weerarrada cusub ee Israel ku qaaday Gaza, waxayna ku hanjabeen inay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah haddii weerarradu aysan istaagin.

Ra’iisul Wasaare Starmer ayaa sidoo kale baarlamaanka ka sheegay: “Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqeenna xabbad-joojin buuxda si loo badbaadiyo la haysteyaasha, loona kordhiyo gargaarka bani’aadamnimo.”

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM