Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Image

Tehran – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa si kulul uga digay in Dowladda Maraykanka ay mas’uul ka noqon doonto haddii Israel ay weerarto xarumaha nukliyeerka ee Iran. Digniintan ayaa timid kadib markii warbixin uu baahiyey CNN uu sheegay in Israel ay diyaarinayso weerarro suurtagal ah oo ka dhan ah Iran.

Iran iyo Maraykanka – oo ah saaxiibka ugu dhow ee Israel – ayaa la filayaa in ay yeeshaan wareeggii shanaad ee wadahadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran maalinta Jimcaha, xilli ay jiraan khilaafyo xooggan oo ku saabsan hodantinimada uranium-ka. Maraykanku wuxuu ka cabsi qabaa in Iran ay u adeegsato hodantinimadaas samaynta hub nukliyeer ah. Balse Iran ayaa mar walba beenisay in ay doonayso samaynta hub nukliyeer, waxayna sheegtay in barnaamijkeedu yahay mid ujeedkiisu yahay adeegyada rayidka ah.

Wasiir Araghchi ayaa sheegay in, “Iran si adag uga digaysaa fal kasta oo halis ah oo ay Israel sameyso, waxayna si xoog leh uga jawaabi doontaa hanjabaad kasta ama tallaabo sharci darro ah oo kaga timaadda nidaamka Sahayuuniyadda.” Hadalkan ayaa ku qornaa warqad rasmi ah oo uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa si isdaba joog ah u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay qaadaan tallaabo militari si ay u hor istaagaan Iran inay gaarto awood ay ku samayn karto hub nukliyeer, haddii ay go’aansato.

Wadahadallada cusub ee Maraykanka iyo Iran ayaa imaanaya iyadoo xiisad siyaasadeed iyo mid amni ay cirka isku sii shareerayaan gobolka Bariga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM