Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi

TEHRAN, Iran — Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in uusan wax xiriir ah la lahayn Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff, maalmahan u dambeeyay, islamarkaana aysan jirin codsi wadahadal, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran, isaga oo rajeynaya in Tehran ay heshiis la gaarto Washington. Araqchi ayaa intaa ku daray in dhinacyo kala duwan oo dhexdhexaad ah ay wadaan la-tashiyo, islamarkaana ay xiriir la leeyihiin Tehran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa carrabka ku adkeeyay in mowqifka Iran uu cad yahay: “Wadahadal lama socdo hanjabaad, waxaana lagu gorgortami karaa kaliya marka aanay jirin hanjabaado iyo dalabyo xad-dhaaf ah.”

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa sidoo kale Talaadadii la hadlay Amiirka Sacuudiya, Mohammed bin Salman, isaga oo sheegay in Tehran ay soo dhaweynayso hab kasta oo sharciga caalamiga ah ku saleysan oo ka hortagaya dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM