Iran oo duqeyn doonta dal kasta oo ku garab siiya Mareykanka weerarka dalkaas

Image

TEHRAN - Dowladda Iran ayaa digniin u dirtay dalalka deriska iyo kuwa Khaliijka Carabta, oo sheegtay in ay duqeyn doonto hadii ay saldhigyo siiyaan ama hawadooda u ogolaadaan Ciidamada Mareykanka inay u adeegsadaan weerarka dalkaas.

Iran waxay si rasmi ah uga digtay dalalka Ciraaq, Kuwayt, Imaaraatka Carabta, Qaadar, Baxrayn, iyo Turkiga oo la sheegay inay siinayaan Mareykanka hawadooda ama dhulkooda. Weerarka kasta oo laga soo qaado dalalka waxay Iran ka bixin doontaa jawaab, sida saraakiisha dalkaas ay sheegeen.

Kuwait ayaa la sheegay inay u xaqiijisay Iran in dalkeeda aan laga soo weerari doonin. Turkiga wuxuu xusay inaan soo gaarin digniinta Iran, balse hadii ay jirto loo marin doono wadooyinka dowladaha wax isku mariyaan.

Sanadkii 2001, Mareykanka ayaa u adeegsaday Kuwait, Bahrain, Qatar iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ku yaalla inuu ka weeraro Iraq, oo xiligaas ka talinayay Saddam Hussein oo la riday dowladiisa, isna la daldalay markii la qabtay.

Iran waxay ku jirtaa xaalad diyaar-garow dagaal Mareykanka ay la gasho iyo mid Israel ka dhan ah, maadaama gobolka xaalada ka taagan ay Yahuuda mas'uul ka tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM