Iran oo Ku Dhawaaqday Xiritaanka Hormuz, Suuqyada Shidaalka oo Qalalaase WajahayaI’m
Warbaahinta Iran ayaa baahisay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ay ku dhawaaqeen in si buuxda loo xiray marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, iyaga oo uga digay maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka qaada in aanay isku dayin inay ka gudbaan halkaas.
Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters, taliye sare oo ka tirsan IRGC ayaa sheegay in cid kasta oo isku dayda inay dhex marto marin-biyoodkaasi ay la kulmi doonto weerar toos ah, isagoo ku hanjabay in maraakiibta la gubi doono haddii ay jebiyaan amarka la soo saaray.
Haddii go’aankan la fuliyo, wuxuu si toos ah u saameyn doonaa ganacsiga caalamka, maadaama qiyaastii shan meelood meel (20%) shidaalka adduunka uu maro halkaas. Marin-biyoodka Hormuz waa marinka cidhiidhiga ah ee laga galo Gacanka Carabta, waxaana woqooyi ka xiga Iran, halka dhinacyada kale ay ku yaallaan dalal saliid badan soo saara sida Sacuudiga, Ciraaq, Kuwait, Qatar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta.
Maraakiibta waaweyn ee shidaalka iyo gaaska qaada ayaa halkaas ka dhoofa, badankoodna shidaalkaasi wuxuu ku wajahan yahay suuqyada Aasiya. Sidaas darteed, hakad kasta oo ku yimaada isu-socodka Hormuz wuxuu si degdeg ah u ruxi karaa suuqyada tamarta caalamka.
Khabiirro dhinaca maalgashiga iyo suuqyada tamarta ah ayaa ka digaya in xiritaan buuxa oo soconaya toddobaadyo ama bil ka badan uu keeni karo koror weyn oo ku yimaada qiimaha saliidda, taasoo laga yaabo inay gaarto heerar aad uga sarreeya kuwa hadda jira. Sidoo kale, qiimaha gaaska dabiiciga ah ee Yurub ayaa dib ugu laaban kara heerarkii qalalaasaha ee la arkay sanadkii 2022.
Haddii Iran ay si buuxda u xirtay Strait of Hormuz, saameynta arrintan ma aha mid kooban oo ku kooban gobolka Gacanka Carabta; waxaa ay si weyn u gaari kartaa dalal ka fog halkaas, oo ay ku jirto Somalia. Xirnaanshaha Hormuz waxay keeni kartaa in qiimaha shidaalka iyo nolosha kharashyada guud ee badeecooyinka la keeno ay si weyn u kici doonaan.
Soomaaliya waxay ku tiirsan tahay soo dejinta shidaalka iyo alaabooyinka kale ee muhiimka ah ee badda laga keeno. Xirnaanshaha Hormuz waxay horseedi kartaa in maraakiibta ganacsiga ay joojiso ama raadiyaan waddooyin kale oo dheer, taasoo keenaysa dib u dhac ku yimaada jadwalka maraakiibta, sicir barar ka dhasha qiimaha gaadiidka, iyo qiimo kordhinta badeecooyinka la keeno. Su’aalahan oo dhan waxay ku dhacayaan xilli ay Soomaaliya weli wajahdo caqabado dhaqaale, amni iyo horumarineed, sidaas darteed saameynta dhaqaale ee ka dhalata hakadka maraakiibta waxaa laga yaabaa in ay noqoto mid culus.
Arrintan ayaa imaneysa xilli xiisadda gobolka ay sare u kacday, iyadoo suuqyada caalamka si dhow ula socdaan tallaabo kasta oo ka timaada Tehran iyo jawaabaha ay ka bixinayaan quwadaha kale ee ku lugta leh amniga marin-biyoodkan muhiimka ah.