Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Image

TEHRAN, Iiraan — Warbaahinta rasmiga ah ee dowladda Iiraan ayaa Sabtidii maanta sheegtay in dalkaas laga diyaarinayo aaska Hoggaamiyihii Sare ee hore ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, in ka badan 100 maalmood ka dib markii uu ku dhintay duqeymo ay fuliyeen isbaheysiga Israa'iil iyo Mareykanka.

Hannaanka aaska iyo baroordiiqda qaran ayaa la qorsheeyay inay ka bilaabato caasimadda Tehran 4-ta bisha Luulyo (July), iyadoo lagu soo gaba-gabayn doono aas ka dhici doona magaalada waqooyi-bari ku taal ee Mashhad 9-ka Luulyo.

Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska qaabilsan faafinta raadkii iyo qoraaladii Khamenei, munaasabadaha aaska oo loo sameyn doono isaga iyo xubno ka tirsan qoyskiisa oo la dhintay ayaa dhowr marxaladood u kala bixi doona.

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

Dilka Cali Khamenei oo dhacday 28-kii bishii Febraayo ee sannadkan 2026, ayaa soo afjartay in ka badan soddon sano oo uu hoggaanka u hayay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, taas oo isbeddel weyn u horseeday siyaasadda iyo awoodda gobolka Bariga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM