Isbahaysiga ka dhanka ah Itoobiya oo ku shiray dalka Masar

Image

QAAHIRA - Masar ayaa xoojineysa xiriirka istaraatiijiyadeed ee ay la leedahay Ereteriya iyo Soomaaliya, iyadoo ka jawaabaysa waxa ay u aragto khataraha sii kordhaya ee uga imaanaya Itoobiya ee ku wajahan danaha gobolka Geeska Afrika, sida ay sheegayaan warar dhowaan soo baxay.

Iyadoo si weyn loo muujinayo midnimo, hoggaamiyeyaasha Masar, Ereteriya, iyo Soomaaliya waxay ku shireen Asmara Oktoobar 2024 shir madaxeed ujeeddadiisu tahay kor u qaadista iskaashiga milatari iyo xasilloonida gobolka.

Saddexda dhinac ayaa ballan qaaday in ay Soomaaliya ka taageeri doonaan dadaallada ka dhanka ah argagixisada, iyadoo Masar ay ballan qaaday in ay ciidamadeeda hoos tagi doonto howlgalka Midowga Afrika (AU), tallaabadaas oo loo arkay in ay si toos ah uga hortagayso saameynta Itoobiya ay ku leedahay Geeska Afrika.

Nuxurka isbahaysigan ayaa ah khilaafka joogtada ah ee Masar kala dhexeeya Itoobiya ee ku saabsan biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), kaas oo ay Qaahira u aragto mid khatar toos ah ku ah ammaanka biyaha. Heshiiskii is-fahamka ahaa ee ay Itoobiya dhawaan la gashay Somaliland ee ku saabsanaa soo gelitaanka badda, waxa uu sii xumeeyay xidhiidhkii, taas oo Soomaaliya ku riixday in ay Masar iyo Ereteriya ku sii dhawaato.

Falanqeeyayaasha ayaa soo jeedinaya in shirkan saddex geesoodka ah uu muujinayo jawaab celin adag oo Masar ay ku doonayso inay ku sii jirto mawqifkeeda gobolka, gaar ahaan markii ay sare u kacday xiisadaha ku saabsan xuquuqda biyaha Niilka iyo gelitaanka Badda Cas. Isbaheysigan ayaa dadka qaarkiis ay ku tilmaameen in uu yahay “ dhidib ka dhan ah Itoobiya”, taasi oo muujineysa shaxda juquraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Damaca Itoobiya ee ah in ay dib u soo ceshato marin badeedka, gaar ahaan heshiiska ay la gashay Somaliland, kuma koobna oo kaliya in ay Soomaaliya ka werwerto, taas oo u aragta mid meel ka dhac ku ah madax-banaanideeda dhuleed, balse waxa ay Masar iyo Ereteriya ku kaliftay in ay xoojiyaan iskaashiga istaraatiijiyadeed iyo kuwa milatari ee ay la leeyihiin Muqdisho.

Badr Abdelatty ayaa Qaahira kula kulmay dhigiisa Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi iyo midka Eritrea Osman Saleh, waxayna ku heshiiyeen sii wadista kulamadooda lagu dhaqan-gelnayo heshiiskii sanadkii hore Asmara ku gaareen madaxda saddexda dal. Shirkooda xiga ayaa la filayaa inuu ka dhaco Muqdisho. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM