Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas
Sanca, Luulyo 8, 2025 – Ciidanka milatariga Israel ayaa waaberigii Isniinta Maanta ah weerarro cirka ah ku qaaday dekedo iyo xarumo muhiim ah oo ay gacanta ku hayaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Hodeida, Ras Isa, Salif, iyo xarunta korontada ee Ras Kanatib.
Duqeymaha ayaa yimid kadib weerar la tuhunsan yahay in ay Xuutiyiintu ka dambeeyeen oo lagu qaaday markabka "Magic Seas" oo ay leedahay shirkad Giriig ah, kaasoo ku sugnaa Badda Cas, islamarkaana dab qabsaday kadib markii la sheegay in ay ku dhaceen diyaarad-hoosaadyo qaraxyo sida iyo hub fudud.
Markabka ayaa lagu qasbay in shaqaalihiisu isaga cararaan kadib markii uu bilaabay in uu biyo qaato, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha rasmiga ah. Shirkad ammaanka badda ah ayaa sheegtay in weerarka la fuliyay kadib rasaas iyo gantaallo gacanta laga tuuro oo lagu bilaabay markabka, taasoo muujinaysa in weerarka si qorsheysan loo fuliyay.
Inkasta oo warbaahinta Xuutiyiinta ay tabiyeen dhacdada, haddana ma jirto sheegasho rasmi ah oo ay illaa hadda ka sameeyeen weerarka, waxaana la ogyahay inay qaataan saacado ama maalmo si ay u sheegtaan masuuliyadda weerarada noocan ah.
Ciidamada Israel ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay duqeeyeen markabka Galaxy Leader, oo ah markab xamuul oo qaada baabuurta, kaas oo Xuutiyiintu qabsadeen bishii Nofeembar 2023, xilligii ay bilaabeen weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah maraakiibta maraya marin-biyoodka Badda Cas, iyagoo ku andacoonaya in ay uga jawaabayaan dagaalka Israel iyo Xamaas ee Qaza.
“Dekedahan waxaa isticmaala nidaamka argagixisada ee Xuutiyiinta si ay hub kaga helaan nidaamka Iiraan, taasoo loo adeegsado fulinta weerarada argagixiso ee ka dhanka ah Israel iyo xulafadeeda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Israel.
Weerarada cusub ayaa imaanaya xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xaalad xasaasi ah, iyadoo wadahadallada xabbad-joojinta u dhexeeya Israel iyo Xamaas ay hakad ku jiraan, halka Iiraan ay ka fiirsaneyso dib u bilaabista wada-xaajoodyada barnaamijkeeda nukliyeer, kadib duqeymo Mareykanku la beegsaday xarumo muhiim u ah barnaamijkaasi.
Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta, waxaana suurtagal ah in weerarrada haatan socda ay dib usoo celiyaan farogelinta ciidamada Maraykanka iyo reer galbeedka ee gobolka.
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale ku sugan safar rasmi ah oo uu ku tegayo Washington si uu ula kulmo Madaxweyne Trump, iyadoo laga cabsi qabo in weerarrada cusub ay sii hurin karaan gacan ka hadal hor leh oo gobolka gilgila.
GAROWE ONLINE