Israel: Netanyahu oo codsaday cafis, mucaaradka oo dalbadey inuu iscasilo

Image

TEL AVIV – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa si rasmi ah ugu codsaday cafis maxkamadda dambiyada musuqmaasuqa uu ku socdo, isagoo ku dooday in arrintani ay tahay “dan guud.”

Warqad uu u diray Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, Netanyahu wuxuu ku sheegay in maxkamaddiisa ay noqotay “barta muran xoogan” oo uu leeyahay “mas’uuliyad ballaaran iyo faham ku saabsan cawaaqibka guud ee dhacdooyinkan.”

Warqadda cafiska waxaa taageeray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo isaguna warqad u qoray Madaxweynaha Israa’iil Herzog si uu Netanyahu u difaaco.

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka Israa’iil ayaa si xooggan uga soo horjeestay codsiga cafiska, iyagoo dalbaday in Netanyahu iscasilo.

Sanadkii 2019 ayay dacwada soo billaabatay, waxaana lagu eedeeyay Netanyahu inuu laaluush ka qaatay ganacsato uu qandaraasyo u xiray, inuu musuq-maasuq sameeyay iyo inuu jebiyay kalsoonida shacabka.

Netanyahu ayaa intaa ku daray in uu ka shaqeynaya danta qaran, sidaas darteedna laga joojiyo dacwada musuq-maasuqa ee uga furan maxkamadda oo lagu amray inuu 3 jeer todobaadkii tago.

Xafiiska Madaxweynaha Herzog ayaa xaqiijiyay in ay heleen codsiga cafiska, iyadoo madaxweynaha uu balan qaaday inuu “si weyn uga fiirsan doono, masuuliyadna ku qaadi doono.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM