Xafiiska Talefishinka Al Jazeera ee Qudus oo la xirayo

Image

TEL AVIV — Israel ayaa qorsheeneysaa inay taleefishinka Al Jazeera ka mamnuucdo deegaanada ay maamusho, sida ay sheegtay wasaaradda Isgaarsiinta maamulka Yahuuda.

Wasiirka isgaarsiinta Ayoub Kara ayaa sheegay inuu doonayo in kaararka aqoonsiga warbaahineed ka qaado suxufiyiinta Aljazeera, taasi oo ka hor-istaagi doonta inay ka shaqeeyaan gudaha Israel.

Kara ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay axaddii, kaasi oo weriyayaasha Aljazeera laga mamnuucay inay ka qeyb galaan.

Aljazeera ayaa sheegtay in Kara uu doonayo inuu Israel ka mamnuuco labada kanal ee Aljazeera ee luuqadaha Carabiga iyo Ingiriirska.

Ra’iisul wasaraaha Israel Benjamin Natenyahu ayaa toddobaadkii tagay ku hanjabay inuu xirayo xafiisyada Aljazeera ee magaalada Qudus, isaga oo shabakaddan ku eedeeyey inay rabshado ka hurineyso magaalada.

Dalalka Urdun iyo Sacuudiga ayaa dhowaan xiray xafiisyadii taleefishinka Aljazeera, oo laga leeyahay dalka Qatar, ayada oo daawashada kanalkan sidoo kale laga xanibay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.

Al Jazeera ayaa lagu eedeeyaa iney qayb ka tahay olalaha dowlada Qatar ku badaleysey maamulada ka jirey bariga dhexe sida Masar, Tunisia, Libya iyo dalka Syria.

 VOA+GO

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM