​Jabhadda Rohingya oo xabbad joojin ku dhawaaqday

Image

Jabhadda Rohingya ee ka dagaallanta waddanka Myanmar ayaa ku dhawaaq Xabad joojin si gar gaar bini aadanimo loo gaarsiiyo dadka shacabka ah ee ku nool goobaha colaaddu ka taagantahay ee ku yaalla Galbeedka fog ee dalkaas.

Arakan Rohingya Salvation Army ayaa go’aanka si iskeed ah ugu dhawaaqday, waxayna fariin u direen ciidamada dowladda Myanmar iyagoo ka codsaday inay qaadaan mowqifkooda mid lamid ah.

Jabhaddan ayaa sidoo kale kooxaha gargaarka ugu baaqday inay shaqadooda qabsadaan islamarkaana dhammaan dadka ku nool goobaha colaadda gaarsiiyaan kaalmo bini-aadanimo iyagoo aan u kala soocan Qowmiyad iyo Diin intaba.

Kooxdan (Arakan Rohingya Salvation Army),  ayaa laba todobaad ka hor weerar ku qaaday ilaa 30 saldhig oo ay leeyihiin booliska iyo milateriga Myanmar, waaxaana taasi keentay inuu qarxo colaada ka taagan gobolka Rakhine.

Colaaddaasi ayaa dhalisay in dad ku dhaw saddex boqol oo kun oo qof oo ah Rohingya ay u barakacaan dalka Bangladesh, waxaana ciidamada dowladda iyo kooxo taageersan lagu eedeeyay barakicinta qowmiyaddaasi.

Xaaladda dadka Muslimiinta ah ee reer Rohingya ayaa muddo la kulmayay colaad baaxad leh taasoo keentay inay ku hanti beelaan qaybtood si arxan darro ah loogu dilo waddankaas.

Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in tacadiyo weyn lagula kacay muslimiinta waddankaas inkastoo eedayntaas ay beenisay xukuumadda Myanmar.

Waddamo uu hormuud u yahay Turkiga ayaa ku howllan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa Muslimiinta Rohingya, waxaana dhawaan booqday marwada Madaxweyne Erdogan iyo wafdi uu kamid yahay wasiirka Arrimaha Dibadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM