Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Image

Tokyo – Japan iyo waddamada Afrika ayaa gaaray iskaashi taariikhi ah kadib markii lagu saxiixay 300 heshiis intii uu socday Shirweynihii 9aad ee Tokyo ee Horumarinta Afrika (TICAD9), kaasoo toddobaadkan lagu qabtay dalka Japan.

Tirada heshiisyadan ayaa saddex laab ka badan kuwii lagu gaaray shirkii hore ee ka dhacay Tunisia sanadkii 2022, taasoo muujinaysa horumar weyn oo laga sameeyay xiriirka labada dhinac.

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, teknoolojiyadda, waxbarashada iyo beeraha — kuwaas oo dhamaantood door muhiim ah ka ciyaaraya koboca iyo isbeddelka Qaaradda Afrika.

Munaasabadda lagu shaaciyay heshiisyadan ayaa dhacday maalintii labaad ee shirka, waxaana goob joog ka ahaa Madaxweynaha Angola, João Lourenço, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika, iyo Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shigeru Ishida.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in ballaarinta iskaashigan ay muujinayso sida Japan ugu go’an tahay wadashaqeyn waarta oo lala yeesho Afrika, iyo doorka sii weynaanaya ee Afrika ku leedahay masraxa dhaqaale ee caalamka.

Shirka TICAD9 ayaa mar kale xoojiyay muhiimadda iskaashiga Japan iyo Afrika, iyadoo la doonayo in la dardar geliyo horumar waara, xasillooni siyaasadeed iyo kobac dhaqaale oo la wadaago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM