Kenya: 11 qof oo ku dhimatay Shil ka dhacay duleedka Garissa

Image

GARISSA, Kenya - Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen Shil gaari oo ka dhacay Maanta oo Talaado ah wadada Bangal oo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Taliyaha Booliska gobolka Tana River, Walter Aliwa ayaa xaqiijiyay in shilka uu dhacay saaka kadib markii Garai Bus ah, oo rakaab siday uu ku dhacay Gaari Nooca xamuulka ah, oo wadey qalabka dhisamaha.

"Haa, waxaa dhacay Shil dhowr qof ayaana ku dhaawacay. Wali ma ogi tirada dhabta ah ee ku geeriyootay. Booliska gobolka ayaa tagey goobta, oo qiimeyn ku sameynaya Khasaaraha," ayuu yiri Walter.

Gaariga Bus-ka ah oo leh Shirkadda Sabrin ayaa kasoo safray magaalada Wajeer, waxaana uu kusii jeeday Nairobi, kahor inta uusan shilka ku galin wadada Bangal, ee u dhaxaysa Mwingi iyo Garissa.

Xafiiska Shirkadda Bus-ka ee Sabrin ay ku leedahay  degmada Wajeer ayaa xaqiijisay dhimashada 11-ka ruux, kuwaasi oo ahaa dad rakaab ah oo kusii jeeday Caasumadda dalka Kenya, ee Nairobi.

Sidee kamid ah 11-ka qof waxay la socdeen Gaariga Bus-ka ah, halka 3-da kale ay saaranaayeen midka Xamuulka, waxaana la xaqiijiyay inay jiraan 30 qof oo dhaawacyo ah, kuwaasi oo 7 kamid ah ay Xaaladooda liidato.

Gaariga Bus-ka ah, ayaa xalay kasoo tagey magaalada Wajeer saacadu markay ahayd 4 p.m. oo ah xalay saqdii dhexe, wuxuuna shilka galay 9 a.m. (saddex saac oo subaxnimo).

Shilkan ayaa loo sababeeyay xowliga uu ku socday Bus-ka, xilli habeen ah, oo wadadana burbursan tahay, waxayna dadka Goobjoogiyaashu sheegeen inay Darawalka uu lumiyay Koontaroolka markii uu kasoo hor-baxay Gaariga Xamuulka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM