Kenya: Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay doorashada ku celiska

Image

NAIROBI, Kenya - Guddiga doorashada ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in Uhuru Kenyatta la doortay ka dib doorashadii ku celiska ahayd ee dhacday 26-kii bishan.

Uhuru Kenyatta ayaa helay 98.26 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka hogaamiyaha mucaaradka ee loolanka adag ku hayay uu helay 0.09 boqolkiiba. Laakiin Raila wuu qaadacay doorashada kamana qeybgalin.

Doorashada oo ahayd mid ay qaadeceen mucaaradka waxaa ka dhashay rabshado sababay in ay dad ku dhintaan.
Guddiga doorashada ee Kenya ee IEBC ayaa sheegay in tirada dadka codeeyay ay ahayd boqolkiiba 39.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chabukati ayaa codsaday in aysan rabshado dhicin, qof kastana uu ka qeybgalo amniga iyo kala dambaynta.

Wuxuu tilmaamay in uu ka xun yahay dhibaatooyiinkii dhacay intuu khilaafka taagnaa iyo markii codeynta ay socotay.
Mucaaradka ugu wayn Kenya, NASA oo uu hoggaaminayo Raila Odinga ayaa horey u sheegay in aysan aqbali doonin natiijada ka soo baxdo doorashadan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa ku adkaystay in doorashadan ay u diyaargaroobeen si ay u noqoto "mid xor iyo xalaal ah."

Balse Mucaaradka ayaa sheegay in aan waxba laga qaban wixii ay ka cabanayeen ee ay diideen oo ka mid ahayd in guddiga uu dib u dhigo doorashada iyo in xubno ka mid ah shaqada laga ceyriyo.

Maxkamad sare ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay doorashadii la qabtay horraantii bishii August ka dib markii qaladaad la sheegay in ay dheceen.

Mucaaradka ayaa maxkamadda geeyay dacwaddaas ka dib markii IEBC ay ku dhawaaqday in Uhuru Kenyatta mar labaad la doortay.

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM