Kevin Watkins “Somalia daynta ha laga cafiyo”

Image

LONDON, UK- Hogaamiyaasha beesha caalamka, ayaa loogu baaqay inay ka cafiyaan Somalia lacagta deynta ah ee lagu leeyahay taasi oo lagu qiyaasay $5.3bn (Shan Bilyan iyo saddex Boqol oo ku oo Milyan).

Madaxda ka qeybgalaysa Shirka London, ayaa sheegay in Somalia aysan kasoo kaban-karin dhaqaale la'aanta haysata, haddii dowladaha caalamka iyo Bangiga Adduunka ka cafin lacagta ay ku leeyahiin.

Madaxa Hay'adda Save the Children Kevin Watkins ayaa yiri, "In lasoo celiyo xiriirka Somalia iyo Bangiga Adduunka, sidoo kalena laga cafiyo Deymaha, waxay muhiim u yahay dib usoo kabashada Somalia."

Watkins wuxuu tilmaamay in taageero dhaqaale ay u baahan tahay hadda Somalia, si looga hortagi macluul markale ka dhacdo, looguna gurmado 6 Million oo ay saamaysay abaartii ka dhufatay dalka.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ka qeybgalaya Shirka London, ayaa sheegay in dalka Somalia ay u baahan tahay taageero bini'aadanimo iyo mid dhaqaale oo deg deg ah.

Lacagta Somalia lagu leeyahay waxaa qaadatay dowladda dhexe ee Siyaad Barre intii u dhaxaysay 1970 iyo1980, oo ay ku qarash-garaysay ciidamada iyo dhisamaha dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM