Khadadka Taleefanada dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo la isu furey

Image

ADDIS ABABA- Dadka isticmaala shirkadaha isgaarsiinta dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa si rasmi ah uga farxay tallaabada khadadka teleefoonada dib la isugu furay oo hadda ay teleefoonada isku diri karaan iyagoo kala joogo labada dal.

Dadka qaar ee ku kala sugan Itoobiya iyo Eritrea ayaa markiiba billaabay inay la xiriiraan ehelkooda degan deegaannada xadka.

Shirkadda isgaarsiinta Itoobiya ayaa malaayin farriimo ah u dirtay macaamisha isticmaala teleefoonada oo ay shaaca ka qaaday in khadadka telefoonada Eritrea hadda si rasmi ah loo furay.

Isniinti hoggaamiyeyaasha labada dal waxay ballan qaadeen inay soo afjarayaan colaadda xadka.

Waxay sidoo kale sheegeen in dib loo furayo isgaarsiinta taaso labada dal ay kala xirteen tan iyo sannadkii 1998-dii, waggaasi oo uu bilaawday dagaalka xadka.

Dadka qaarkood waxay si jeesjees ah ay uga hadlayaan tallaabadan ‘waxay leeyihiin waxaan dib u wacaynaa dadkii nasoo wacay sannadkii 1998-dii’ waxaana kamid ah dadkaasi weriye u shaqeeyo wakaaladda wararka ee Reuters.

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM