Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Image

TEHRAN – Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa si adag uga jawaabay hadalladii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ku adkeystay in Iran aysan marnaba is dhiibeyn xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha u dhexeeya labada dal.

“Dalka Iran waa mid madax-bannaan, shacabka Iran-na waa kuwo ad-adag. Marnaba ma aqbali doono isdhiibid,” ayuu yiri Khamenei oo Trump u jawaabayay.

Hadalka Khamenei ayaa imaanaya maalmo un kadib markii Trump uu ku hanjabay in Mareykanku ogyahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, isagoo ugu yeeray “bartilmaameed fudud” balse uusan hadda qorsheynin in la beegsado.

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

Related Articles

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM