Kharashka Mareykanka uga baxay dagaalka Iran ee toddobaadkii u horreeyay oo la shaaciyay

Image

WASHINGTON — Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa u gudbisay Congress-ka warbixin muujinaysa in toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka lagula jiro Iran uu dowladda Mareykanka ku kacay lacag dhan $11.3 bilyan.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee AP, oo soo xiganaysa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, kharashkan baaxadda leh ayaa ka dhashay hawlgallada ciidanka cirka, difaaca gantaalaha, iyo hubka casriga ah ee la isticmaalay lixdii maalmood ee la soo dhaafay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in qiyaastii kala bar lacagtan ($5.6 bilyan) lagu kharashreyeeyey hubka iyo rasaasta labadii maalmood ee ugu horreeyay oo qura, xilli Mareykanku uu weeraro culus ku qaaday saldhigyada ciidanka iyo kaabayaasha hubka ee gudaha dalka Iran.

Kharashkan oo aan weli lagu darin agabka kale ee saadka iyo isu-socodka ciidanka, ayaa muujinaya culayska dhaqaale ee uu dagaalku ku keeni karo miisaaniyadda difaaca Mareykanka, iyadoo maamulka Trump la filayo inuu Congress-ka weydiisto miisaaniyad degdeg ah oo dheeri ah si loogu sii amba-qaado hawlgallada gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM