Khasaaraha Dhulgariirka ku dhuftay dalka Mexico oo korartay

Image

MEXICO CITY - In ka badan 200 oo qof ayaa la xaqiijiyay inay kuu dhinteen dhulgariir xooggan, oo xalay ku dhuftay Caasimadda dalka ku yaalla Waqooyiga Qaaradda America ee Mexico.

Dgulgariirka oo cabbirkiisa lagu qiyaasay 7.1 Magnitude, ayaa gilgilay magaalada Mexico City, waxaana uu burburiyay Dhismooyin dhaadheer, oo gaaraya 44, iyadoo sidoo kale uu dillaaciyay dhuumo shidaalka qaada.

Waxaa sidoo kordhayay tan iyo xalay khasaaraha dhimashada, oo saacadaihii ugu dambeeyay ay gaartey 200 oo ruux, ay kamid yihiin 20 caruur ah. Waxaa socda howlgallo lagu baadiyo goobaya dad la la'yahay.

Dowladda Mexico ayaa sheegtay in Ciidamada iyo Kooxaha Gurmadka ay wadaan gurmadka loo fidinayo dadka dhismayaashu ku dumeen, oo burburka hoostiisa wali ku jira, kuwaasi oo qaarkood ay dhinteen.

Malaayiin qof ayaa waayay korontada iyo biyaha, taasi oo ka dhalatay dhul-gariirka.

Dhismayaasha ku burburay dhul-gariirka waxaa ku jira dabaqyo dhaadheer, Dugsiyo, warshado iyo goobaha laga dukaamaysto, oo ku yaalla bartamaha magaalada Mexico city.

Bishan September 7-deedii, Dhulgariir kale oo xooggan ayaa ka dhacay Koonfurta dalkaasi Mexico kaasi oo ay ku dhinteen 98 qof, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM