Khatarta ma dhammaan: Booliska Sweden oo sheegay in Weerar ka socdo Iskuul

Image
Image
Image

Ciidamada booliska Sweden ayaa sheegay in weerar hubeysan oo ka dhacay dugsiga ku yaalla bartamaha Örebro sababay dhaawacyada shan qof, iyagoo dadka shacabka ah lagu booriyey inay ka fogaadaan aagga maadaama hawlgallo ballaaran ay socdaan.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujiyey ciidamo boolis badan iyo ambalaasyo iyo gaadiidka degdegga ah oo ku sugan agagaarka dugsiga.

Weerarrada dugsiyada waa wax aan badnayn oo ka dhaca Sweden, iyadoo ay ka dhaceen dalka toogashooyinka iyo qaraxyada la xiriira rabshadaha gangisyada, kuwaas oo sanad walba sababaya dhimashada dad badan.

"Faahfaahinta dhaawacyada wali lama caddeyn, hawlgalku wuu socdaa," ayay boolisku ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo saareen, iyagoo intaas ku daray in aanay jirin ciidamo boolis ah oo ku dhaawacmay hawlgalkan.

Boolisku markii hore waxay sheegeen in afar qof lagu toogtay, balse daqiiqado kadib ay warbixin cusub bixiyeen, iyadoo tirada dhaawacyadu noqotay shan qof.

Ciidamada boolisku waxay baaritaan ku sameeyeen falkaas. Dadka shacabka ah ayaa loo sheegay inay ka fogaadaan goobta ama inay gurigooda ku sugnaadaan.

Boolisku waxay sheegeen inay qaban doonaan shir jaraa’id marka uu dhamaado howlgalka. Wararka ayaa sheegaya in qofka fuliyay toogashada uu isdilay, laakiin boolisku wali ma xaqiijin arrintan.

Ardayda ku sugnaa iskuulada agagaarka iyo dugsiga la weeraray ayaa lagu xiray gudaha si loo xaqiijiyo ammaankooda, sida ay boolisku sheegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM