Kofi Annan oo geeriyoodey [Akhri Taariikhdiisa]

Image

BERN, Switzerland - Waxaa maanta oo Sabti ah magaalada Bern ee caasimadda dalka Switzerland ku geeriyoodey Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey, Kofi Annan.

Hay'adda uu isagu aas-aasey ee Kofi Annan Foundation ayaa xaqiijisay geeridiisa, iyadoo intaasi ku dartay inuu si caadi ah isaga dhintay, kadib xanuun kedis ah.

Annan ayaa soo noqday Xoghayihii 7aad ee Qaramada Midoobey intii u dhaxeysay January 1997 illaa December 2006, waxaana uu u dhashay dalka Ghana.

Wuxuu dhashay Kofi Annan April 8, 1938, waxayna da'diisu ahayd 80 sano markii uu geeriyoodey. Waxuu Kofi Annan ku guuleystay billadda Nobel Peace Prize 2001.

"Waxaa murugo weyn ah in qoyska iyo Hay'adda Kofi Annan Foundation ay ku dhawaaqaan geerida Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey iyo ku guuleystaha Nobel Peace Prize uu si nabad ah u geeriyoodey maanta oo sabti ah, 18-ka Augusta kadib xanuun yar," ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka Kofi Annan Foundation.

Kofi Anna: 1938-2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM

Trump: Heshiiska Iiraan wuxuu ka dhigi doonaa Marinka Hormuz mid si joogto ah u furan

Wareysi uu bixiyey Axaddii, Trump wuxuu sheegay in haddii Tehran ay ku guuldarreysato…

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 03:12AM