Kofi Annan oo geeriyoodey [Akhri Taariikhdiisa]

Image

BERN, Switzerland - Waxaa maanta oo Sabti ah magaalada Bern ee caasimadda dalka Switzerland ku geeriyoodey Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey, Kofi Annan.

Hay'adda uu isagu aas-aasey ee Kofi Annan Foundation ayaa xaqiijisay geeridiisa, iyadoo intaasi ku dartay inuu si caadi ah isaga dhintay, kadib xanuun kedis ah.

Annan ayaa soo noqday Xoghayihii 7aad ee Qaramada Midoobey intii u dhaxeysay January 1997 illaa December 2006, waxaana uu u dhashay dalka Ghana.

Wuxuu dhashay Kofi Annan April 8, 1938, waxayna da'diisu ahayd 80 sano markii uu geeriyoodey. Waxuu Kofi Annan ku guuleystay billadda Nobel Peace Prize 2001.

"Waxaa murugo weyn ah in qoyska iyo Hay'adda Kofi Annan Foundation ay ku dhawaaqaan geerida Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey iyo ku guuleystaha Nobel Peace Prize uu si nabad ah u geeriyoodey maanta oo sabti ah, 18-ka Augusta kadib xanuun yar," ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka Kofi Annan Foundation.

Kofi Anna: 1938-2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM