Kulankii dhexmari lahaa Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi oo qabsoomaya

Image

USA- Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa baxshey calaamad ah in shirkii dhexmari mari lahaa Hogaamiyaha woqooyiga Kuuriya Kim Jong Un uu dhacayo 12 June inkastoo asbuucii hore la sheegey inuusan qabsoomeyn.

War ay soo saartey wakaalada wararka dalka Woqooyiga Kuuriya KCNA ayaa lagu sheegey in hogaamiyaha dalkaas ka sharqamiyey in kulankii uu la qaadan lahaa Madaxwynaha dalka Mareykanka sidii loo qorsheyeey u dhici doono.

”Waan wanaagsan yahay sida diyaar garowgu ku socdo hadii la eego kulanka aan la qaadan doono woqooyiga Kuuriya.” Sidaas waxaa yiri Donald Trump. “Waan rajeyneynaa inuu kulankaan qabsoomo June 12 Singapore aan aragno sida uu u dhaco.” 

Trump waraaq uu u qorey Madaxwynaha Kuuriyada Woqooyi maalmo ka hor ayuu ku baajiyey in kulankaan ka dhaco Singapore June 12, 2018.

Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya ayaa Axadii sheegey in dhigiisa Woqooyiga Kuuriya u balan qaadey burburinta hubka Nukliyeerka. 

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM