​Kuuriyada Waqooyi oo Cadaysay in ay Gantaal kale tijaabisay

Image

Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa ka hadashay warar saaka aad looga hadal hayay dunida kadib markii laga maqlay waddankaas dhul gariir xoog leh. Dowladda oo arrintaas ka hadlaysay, waxay cadaysay in saaka goor hore ay tijaabisay Gantaalkeedii 6aad ee ka samaysay hubka wax ku gumaada ee Neuclear-ka.

Telefishinka dowladda ayaa laga baahiyay saaka goor hore in la tijaabiyay mid kamid ah gantaalada xambaara Bamb-ka ka samaysan hydrogen-ka.

Warka xukuumadda Pyongyang, ayaa lagu sheegay in gantaalkaas uu ahaa mid guulaystay.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi KCNA, ayaa xustay in hubkan uu yahay mid khatartiisu aad u sarayso islamarkaana tahay mid casri ah oo wax bur-burisa.

Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in bambaanadani ay xanbaari karaan gantaalada qaaradaha isaga talaaba.

Dowladda ay is hayaan ee Kuuriyada Koonfureed ayaa dhankeeda sheegtay in gariirkan laga dareemay degaanka Kilju oo ah goobta ay Kuuriyada wuqooyi ku tijaabiso Niyukleerka.

Madaxa ciidamada militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay filayaan in Kuuriyada waqooyi ay tijaabisay hub Niyukleer ah.

Maaha markii ugu horaysay ee waddankaas uu tijaabiyo Gantaal, xilli ay xiisad kala dhaxayso waddanka Maraykanka iyo Japan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM