​Kuuriyada Waqooyi oo Cadaysay in ay Gantaal kale tijaabisay

Image

Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa ka hadashay warar saaka aad looga hadal hayay dunida kadib markii laga maqlay waddankaas dhul gariir xoog leh. Dowladda oo arrintaas ka hadlaysay, waxay cadaysay in saaka goor hore ay tijaabisay Gantaalkeedii 6aad ee ka samaysay hubka wax ku gumaada ee Neuclear-ka.

Telefishinka dowladda ayaa laga baahiyay saaka goor hore in la tijaabiyay mid kamid ah gantaalada xambaara Bamb-ka ka samaysan hydrogen-ka.

Warka xukuumadda Pyongyang, ayaa lagu sheegay in gantaalkaas uu ahaa mid guulaystay.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi KCNA, ayaa xustay in hubkan uu yahay mid khatartiisu aad u sarayso islamarkaana tahay mid casri ah oo wax bur-burisa.

Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in bambaanadani ay xanbaari karaan gantaalada qaaradaha isaga talaaba.

Dowladda ay is hayaan ee Kuuriyada Koonfureed ayaa dhankeeda sheegtay in gariirkan laga dareemay degaanka Kilju oo ah goobta ay Kuuriyada wuqooyi ku tijaabiso Niyukleerka.

Madaxa ciidamada militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay filayaan in Kuuriyada waqooyi ay tijaabisay hub Niyukleer ah.

Maaha markii ugu horaysay ee waddankaas uu tijaabiyo Gantaal, xilli ay xiisad kala dhaxayso waddanka Maraykanka iyo Japan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM