Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka
Pyongyang – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa diiday qaraar ay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA) ku cambaareysay barnaamijka hubka nukliyeerka ee Pyongyang.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah, iyadoo xustay in xaaladdeeda nukliyeerka ay tahay mid aan laga noqon karin, isla markaana ay ku tiirsan tahay awooddeeda ka hortagga nukliyeerka. Hadalka ayaa lagu daabacay wakaaladda wararka dowladda ee KCNA.
Kim Yo Jong, oo ah walaasha hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa sidoo kale IAEA ku eedeysay inay leedahay “aragti eex ah iyo laba-wejiilenimo” ku aaddan arrimaha nukliyeerka.
Waxay sheegtay in siyaasaddaas ay tahay sabab muhiim ah oo keentay in nidaamka caalamiga ah ee ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka uu burburo.
Kim Yo Jong ayaa ku eedeysay IAEA inay iska indhatirtay waxa ay ku tilmaantay “faafinta cad ee hubka nukliyeerka” ee Mareykanka iyo qorshaha Kuuriyada Koonfureed ee soo gelinta maraakiibta quusa ee ku shaqeeya tamarta nukliyeerka, halka ay qaraar ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi ka qaadatay waxa Pyongyang ku tilmaantay hawlaheeda nukliyeerka ee is-difaaca ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale sheegtay in “xoogag cadow ah” ay doonayaan inay soo afjaraan barnaamijkeeda nukliyeerka, xilli uu socdo shirkii guud ee IAEA ee toddobaadkan.
GAROWE ONLINE