​Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal kale tijaabisay

Image

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal riddo gaaban, kaas oo u muuqda in uu yahay midkii saddexaad ee ay ku guulaystaan muddo todobaadyo ah. Gantaalka ayaa hawada ku jiray 450 kiiloo mitir ka hor inta uusan ku soo dhicin biyaha Japan, arrintaas oo durba sababtay in Japan ay ka cabato.

Dadka wax indha indheeya waxay sheegayaan in tijaabooyinkan gantaalladu ay tilmaamayaan in Waqooyigu uu horumar ka sameeyay gantaalaha xambaaraha madayada sida nukliyeerka.

Waqooyiga ayaa si joogto ah uga dhago adaygta qaraarka Qaramada Midoobay ee ka mamnuucaya dhamaan falalka la xiriira hubka nukliyeerka ah iyo gantaallada, bilihii u dambeeyayna sare ayay u qaadeen tijaabooyinka gantaalada ee ay samaynayaan.

Taliska ciidammada ee badda Pacific ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in gantaalka laga riday Wonsan oo ku taalla Waqooyiga Kuuriya uuna hawada ku jiray qiyaas lix daqiiqo ah ka hor intii uusan soo dhicin.

Xoghayaha gollaha wasiirrada ee Japan Yoshihide Suga ayaa saxafiyiinta u sheegay in goobta uu gantaalku ku dhacay ay u dhaxayso jasiiradda Oki islands iyo Sado.

Afhayeen u hadlay milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalku uu gaadhay 120 kiiloo mitir ayna qiimaynayaan tirada rasmiga ah ee la riday, iyaga oo bidhaamiyay in la tijaabiyay wax hal gantaal ka badan.

Tijaabada gantaalkani wuxuu imaanaya maalin uun ka dib markii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu dusha kala socday tijaabo lagu samayeeyay hannaanka difaaca diyaaradaha.

BBC

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM